Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape town oo ka qeyb qaadatay gurmadka fatahaada Baladweyn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cape town ee dalka koonfur Afrika, ayaa gurmadka Baladweyne ugu deeqay lacag dhan $11,650. lacagtaas oo loogu talo galay shacabka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadii webiga Shabelle.

Jaaliyadda ayaa lacagtaan u wakiilatay inay Baladweyne gaarsiiyaan guddi gaar ah oo ay u wakiisheen inay gurmadkaas gaarsiiyeen Baladweyne kuna wareejiyaan guddiga guud ee arrintaan u xilsaaran.

Xaflad kooban oo mahad celin ah oo jaaliyaddu qabatay waxay sheegeen in dhaqaalahaan lagasoo aruuriyay tuulooyinka hoos taga magaalada Cape Town islamarkaana la dul tagay goobta kasta.