James Rodriguez Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Real Madrid Ishana Ku Haya Finalka Koobka Kooxaha Aduunka

real

Xidiga kooxda Real Madrid James ayaa maanta dib ugu soo laabtay tababaraka kooxdiisa wuxuuna tababarka kula qaatay garoonka Stade de Marrakech halkaas oo ay ugu sii diyaar garoobayaan finalka koobka kooxaha aduunka.

James oo uu kubka dhaawac ka soo gadhay ayaa isku diyaarinaya inuu taam u noqdo kulakanka finalka koobka kooxaha  aduunka.Real Madrid ayaa kulankii xalay ee afar dhamaadka tartankan Club World Cupka 4:0 ugu qubaysay kooxda ree Mexico ee Cruz Azul.

Sergio Ramos oo xalay goolka furitaanka kooxdiisa u dhaliyay ayaa daqiiqadii 64 aad ciyaarta looga saaray dhaawac fudud oo ka soo gaadhay muruqa laakiin markii ay ciyaartu dhamaatay ayuu Ramos sheegay in ciyaarta laga saaray ay sii qorshays nayd kulanka ka hor.

 

James Rodríguez ayaa tababarka Madrid dib ugu soo laabtay taniyo markii uu 6 dii bishan December dhaawac soo gaadhay waxayna hadda u muuqataa inuu taam u noqon karo kulanka finalka koobka kooxaha aduunka.

Khedira, Nacho, Medrán, Coentrao, Varane, Arbeloa, Coentrao iyo Jesé  ayaa la shaqaynayay  Paul Clement  iyo Carlo Ancelotti halka Casillas, Keylor Navas iyo Pacheco ay ka hoos shaqaynayeen Juanjo Canales. laakiin Pepe, Cristiano, Kroos, Benzema, Bale, Marcelo, Carvajal, Illarramendi iyo Ramos ayaan tababarka ka soo xaadirin iyagoo ahaa ciyaartoydii xalay ciyaartay. Kulanka xiga ayaa la ciyaari doonaa sabtida soo socota.