James Swan oo dowlada iyo dowlad goboleedyada ugu baaqey inay soo celiyaan wada shaqeyntooda

Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan oo Maanta tegay Garoowe ayaa waxaa uu Madaxweynaha Puntland kala hadlay sidii xal looga gaarai lahaa khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Waxaa uu sheegay in wada-shaqeynta dowladda & Dowlad goboleedyada ay horseedi karto in la helo nabad iyo amni waara taasina looga baahan yahay in la hirgeliyo.Ugu dambeyn Amb, James Swan ayaa ugu baqay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada in ay soo celiyaan wada-shaqeyntii dhexdooda, isla markaana la xalliyo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland.