Japan: Duufaanta Typhoon Trami oo ku dhufatay Japan oo ay ku dhaawacmeen 84 qof

Duufaanta Typhoon ee ku dhufatay Koonfurta galbeed ee dalka Japan ayaa la sheegay iney hakisay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Duufaanta Typhoon Trami oo ka dhacday meel ku dhaw magaalada Osaka ee ku taalla galbeedka Japan waxay ku socotay xawaara dhan saacaddiba 216 km.

Duullimaadyo diyaaradeed iyo isu socodka tareen aadi lahaa galbeedka dalka ayaa la hakiyey. In ka badan 750,000 gurina waxaa koronta la’aan ayaa ku dhacday.

Ugu yaraan 84 qof ayaa ku dhaawacantay duufaantaasi. Duufaantan oo galbeedka Japan wax ka yar bil mar kale ku dhufatay haddana waxaa lagu tilmaamay iney tahay tii ugu adkeyd oo muddo 25 sana ah soo marta galbeedka Japan.

Bishii September daadad ka dhashay roobab duufaanno ka dhashay ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 7 qof.