Jawaari oo baaq u diray Waxgaradka Koonfur Galbeed

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay dhammaan waxgaradka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed in ay doortaan hoggaamiye Wanaagsan.

Jawaari waxaa uu sheegay in Koonfur Galbeed ay u baahan tahay shaqsi wax badan ka qaban kara Arrimaha Ammaanka iyo Caddaaladda.

Sidoo kale Waxaa uu xusay in waxgaradka laga doonaayo in ay go’aamiyaan shaqsiga u qalma u hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed.i

Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sidoo kale tilmaamay haddii dadka Shacabka ay u arkaan maamulka hada jira in uu wanaagsan yahay in ay dib u doortaan.