Jawaari oo ka degay Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Sidoo kale waxaa ku wehliya safarkiisa Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad cabdalla Cawad, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale.
Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi Shaati-gaduud mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Guddoomiyhaha Baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo qeybaha bulshada.
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in xubnahan ay ku shiri doonaan magaalada Baydhabo, shirkoodana uu socon doono Labo cisho.
Ajendaha shirkaan weli lama shaacin, hase ahaatee ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay maanta oo Isniin ah, waxaana wadooyinka lagu soo daadiyay ciidmo hubeysan.
Waa shirkii ugu horeeyay oo magaaladaasi ku yeeshaan Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira.