Jeel Ogaadeen oo maanta albaabada la isugu dhuftay

Waxaa si kama dambays ah loo xaqiijiyey in la xirayo jeelkii dhexe ee dawlad degaanka Soomaalida ee loo yaqaannay Jeel Ogaadeen.

Xabsigaas oo tacaddiyo badan loogu gaysan jiray dadka maxaabiista ah sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dawladdii hore ee deegaanka Soomaalida waxay sheegi jirtay in dadka xabsigaas lagu hayo loo samaynayo dhaqan celin.

Waxaa si rasmi ah maanta loogu dhawaaqay in xabsigaas laga dhigi doono matxaf ama meel alaabaha hiddaha iyo dhaqanka lagu kaydiyo.

Bashir Axmed Xaashi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka asluubta dawlad deegaanka Soomalida oo arrinta xiritaanka xabsigaas BBC-da uga warramay ayaa sheegay in tallabadaas ay soo dhawaynayaan ” aad ayaan usoo dhawaynayaa waana maalin farxadeed sababtoo ah muddo dheer ayaa jeelkan ummadda lagusoo dhibaataynayey, dad badan baa gaajo ugu dhamaaday, dad badan baa ku lixaad beelay, dad badan baa xanuuno intay ka qaadeen u dhintay”.

Xabsiga dhexe ee Dawlad deegaanka Soomaalida ” Jeel ogaadeen” ee haatan la sheegay in la xidhay ayaa waxaa wali ku xidhan maxaabiis gaaraysa 285 qof, waxaana masuuliyiinta dawlad deegaanku ay sheegeen in aanay jirin cid u xidhan arrimo siyaasadeed.

Jeel Ogaadeen oo xidhitaankiisa ay go’aamiyeen golaha wasiirrada dawlad deegaanka ayaa waxaa maanta soo buux dhaafiyey dadweyne ku faraxsan tallaabadan, qaar kamid ah dadkaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ayaga qudhooda lagu xiray xabsigaas, halka kuwo kale ay sheegeen in xigtadoodu ay ku xidhnaan jireen, dadkaas waxaa kamid ahaa Ismaaciil Buugaabo oo muddo dheer ku xidhnaa Jeelkaas wuxuuna sheegay in dhibaatooyin kala duwan loogu gaystay xabsiga asagoo sheegay in aanu hal habeen nabadgalyo ku seexan mudadii uu xirnaa isla markaasna lagu riday god dheerarkiisa uu ku sheegay lix mitir oo lagu shubo qashinka musqulaha iyo bullaacadaha uuna ku jiray afar iyo toban cisho kuna indho beelay.