jubbaland oo sheegtay in ay isku dhiibeen Saraakiil Shabaab ka tirsanaa

Madaxa Amniga ee gobolka Gedo Bille Huufood Ibraahim oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay isa soo dhiibeen.

Waxa uu sheegay in Saraakiishan ay la soo xiriireen Saraakiisha Ciiamada dowladda ee ka howlgala gobolka Gedo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay jiraan Saraakiil iyo askar kale oo ka tirsan AL-Shabaab kuwaasi oo doonaya iney isku soo dhiibaan dowladda.

Waxa uu xusay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya ay cadaadis xoogan saaraan Al-Shabaabka ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo taasi oo keentay ay bataan tirade isa soo dhiibeyso.

Madaxa Amniga ee gobolka Gedo Bille Huufood Ibraahim ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Gedo ineyu la shaqeeyaan Ciidanka si loo xcaqiijiyo amaanka guud ee gobolka gedo.

Diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo isdaba jog ka geysta gobolka gedo gaar ahaan degaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.