Jubbaland oo sheegtay in ay ka hortagtay hub sharci daro ah oo Kismaayo loo waday

Taliyaha Booliska qeybta Jubbada hoose Gashaanle sare Sadiiq Maxamuud Dhogor oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maal mahii lasoo dhaafay ay la socdeen dhaq-dhaqaaqyo ay kooxo uu hormuud u yahay nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage ka wadeen gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo doonayay in ay magaalada soo galiyaan hub sharci darro ah kaas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo nabadda iyo kala dambeynta kajirta Jubbaland.

Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ay maanta ciidammadu ka warheleen in Cabdi Cali Raage uu kasoo kicitimay magaalada Muqdishu isaga oo isticmalaaya magac aan kiisa ahayn si uu u yimaado magaalada Kismaayo, kaddibna ay ciidammu amreen in uusan kaso degi Karin garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo, si loo ilaaliyo nabadgaliyada iyo bad qabka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Jubbaland .

Cabdi Cali Raage oo ah lataliyaha Madaxweyne Farmajo ayaa maanta warbaahinta u sheegay in laga soo celiyay magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in uu ahaa Musharax u taagan golaha Shacabka.