Jupland oo xilka qaadis ku sameysey Gudoomiyaal Degmo

Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aaden ayaa xilalkii loga qaadey qaar kamid ah maamulka gobolka Gedo halka xilal loo magacaabey masuuliyiin cusub.

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Luuq,Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo Cismaan Xaaji Nuur, iyo Guddoomiyaha degmada Baardheere.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Guddoomiyeyaal Cusub waxaa ay u Magacaawday degmooyinka Luuq iyo Baardheere iyo Guddoomiye kuxigeenka Gobolka gedo.

Mas’uuliyiintaan xilalka laga qaaday ayaa waxaa ay dhawaan sheegeen inay la Shaqeynayaan doowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ku sugan yihiin Magaalada muqdisho.