K ulanka looga Hadlaayey amniga Gobolka banaadir ayaa lagu qabtey magaalada muqdisho

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Maxamed (Tuulax) ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga degmooyinka gobolka Banaadir oo ay kasoo qeyb galeen guddoomiye ku-xigeenada amniga degmooyinka.

U jeedka kulanka ayaa ahaa sidii ahmiyad gaar ah loo siin lahaa xoojinta nabada iyo isku xirka laamaha amniga iyo shacabka si looga gudbo caqabadaha jira ee dhanka Amniga.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in amniga Gobolka Banaadir uu soo hagaagayo bilihii la soo dhaafay,isla markaana aysan ka dhicin falal amni darro.

Waxaa uu kula dardaarmay guddoomiye kuxigeennada Amniga degmooyinka Gobolka ee uu la shirey inay dardar geliyaan howlaha Amniga oo ay u hayaan Bulshada Gobolkan Banaadir.