Kenya Oo dib ufureysa Safaaradeedii Muqdisho

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan Safaaradeeda dib uga fureyso magaalada Muqdisho, iyadoo ku martiqaaday Safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dib ugu soo laabto Nairobi, dibna u bilaabo shaqadiisa.

Tilaabadan, ayaa ka mid hanaanka lagu soo celinayo xariirka diblumaasi ee labada dal.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in xiriirka labadal lagu soo celin doono sidii loogu tala galay.

Afar maalin ka hor Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa sheegtay inay dib u furtay duulimaadyadii dalkaas uga iman jiray Soomaaliya iyo kuwii tegi jiray.

Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad, kuwa diblomaasiyadeed iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay inay go’aanka qaadatay, ayada oo la eegayo dhex-dhexaadin la sameeyey. Kenya ma shaacin cidda sameysay dhex-dhexaadinta.