Kenya Oo Sheegtay In Muranka Badda Soomaliya Kala Dhaxaysa Wadahal Lagu Dhameeyo.

October 08 2015 (Radio Baidoa) Dowlada Kenya ayaa si cad ah uga hor timid muranka la xiriira Badda oo Dowlada Soomaaliya oo horey dacwada uga gudbise maxakamada Caalamiga ah ee cadaalada ah sheegashada Kenya  ay sheeganayso badda

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa tilmaamay in dowlada Soomaliya dacwada dhul badeedka ee kala dhaxeeya Soomaliya ay tahay mid sharci darro ah oo aysan soo marin nidaam sax ah sida ay sheegta Kenya.

Githu Muigai xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa sheegey in dowlada Kenya iyo Soomaaliya ay horey heshiis u wada gaareen kaas oo ahaa in wax walba oo ku saabsan murankana dhul badeedka ah  lagu dhameeyo wada xaajood ama wadahadal aan la hor geeyn Maxakamada.

Sidoakle xeer ilaaiyaha ayaa hadalkiis sii raaciyey in arintana ka dhaxaysa labada dal ay ku fiicantahay in ay iyagu xal ka gaaraan aysan Maxkamada la gaarsiin, hadii ay soomaliya murankan  ay horgeysey maxakamada ay tahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalimiga ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in arintan lagu dhameeyo meel ka baxsan maxakamada, wuxuu intaas ku daray in Kenya Soomaaliya ay u dirtay ciidan la dagaalamo Al shabaab, soomaliya xiligan aysan xal u noqaneynin muran iyo is qab qabsi siyaasadeed,.

Kenya waxay sheegtay in soomaaliya muranka dhul badeedka ay u soo martay qaab aan wanaagsaneyn, soomliya ay hilmaantay abaalkii ay u gashay dowlada Kenya.

Muranka Kenya iyo Soomaliya u dhaxeeya ay soo jiitamayey muddo badan, oo inta badadan ku saabsan badda, iyadoo badda soomaliya ay ku jiraan Shidaal iyo kheyraad farabadan.

Gabagabdii waxay sheegeen in maxakamada labada dal ay xal ka gaaraan muranka labada dal iyadoo aan la hor geeyn Maxakamada.

Radio Baidoa

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com