KG Oo ka soo horjeesatay ka qeybgalka Degmada Afgooye Ciyaaraha Gobolka Banaadir

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DGKGS oo sheegtey In aysan ka qeyb galikarin koox ama shaqsiyaad kasoo jeeda KGS oo aysan meteleynin Deegaanada KG.

Ku: Gudoomiyahaa Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Moqdisho
==Muqdishu- Soomaaliya==

Og: Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha DFS ==Mogadishu- Soomaaliya==
Og: Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ==Muqdishu- Soomaaliya==
Og: Xiriirka Kubadda Cagta Dowladda Koonfur Galbeed ==Baydhaba – Soomaaliya==
Og: Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ==Marka – Soomaaliya==
Og: Guddoomiyaha Degmada Afgooye ==Afgooye – Soomaaliya==

Ujeeddo: Joojin Ka Qayb Galka Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliyadda Waxay marwalba u taagan tahay Hormarinta Dhallinyarada iyo Cayaaraha noocyadooda kala duwan ee horseeda isdhexgalka iyo dhiirigelinta Nabadda.
Ka qaybgalka Cayaaraha heer Degmo, Gobolka Dowlad-Goboleed iyo Heer Federaalba waxaa si wadajir ah u abaabula Waaxda Cayaraaha ee Wasaaradda iyo Xiriirirada kala duwan ee Cayaaraha Koonfur Galbeed.
Guud ahaan Degmooyinka Koonfur Galbeed kama qayb gali karaan Cayaaro aysan si rasmi ah ugu meteleyn Degmada iyo Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidaas darteed ma jiro tartan cayaareed ay degmada Afgooye uga qayb galeyso Gobolka Banaadir mana jirto casuumad rasmi ah oo Gobolka Banaadir uga timid Wasaaradda si ay Degmada Afgooye ee Dowlladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ugaga qayb gasho tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

M.ne Abba Awow Sufi Afan
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.
Dowladd Koonfur Galbeed Soomaliya