Khayre oo maanta khudbad ka jeedin doona shirka Dovas

Ra’iisul wasaaraha Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyo shirka Dhaqaalaha Aduunka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland Faadumo C/llaahi Insaani oo la hadashay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in maanta uu R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre khudbad ka hor jeedin doono madaxda ka qeyb galeysa Shirka dhaqaalaha Aduunka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Davos ee Dalka Swezerland.

Faadumo C/laahi Insaani ayaa tilmaantay in R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre uu khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kuna aadan baahiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya uu ka jeedin doono shirkaasi.

Khayre ayaa la filayaa inuu shirka kadib kulamo kala duwan la qaado Madaxda Shirka ka qeyb galaysa isagoona hor dhigi doona baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida Caalamku Maalgashi buuxa ugu samaysan lahaa Dalka Soomaaliya oo ah Dal ku fiican Maalgashi dhaqaale.