Kheyre Oo Bogaadiyay RW Cusub

Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire ayaa bogaggiisa Facebook iyo Twitter soo dhigay qoraalkan:

“Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorsho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay. Sidii aan horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka”