Khilaaf ka muuqda Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa waxa uu ka hor yimid warqad uu qoray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, kadib qoraal ka soo baxay xafiiska

Waiiru dowlaha ayaa qoraalkiisa wuxuu la socodsiiyay Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Hanti dhowrka Guud, iyada oo sidoo kale uu ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa qoraalkiisa ku sheegay in aanay sharciga waafaqsaneyn warqada uu qoray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle 13-kii bishan, kahor inta uusan dalka ka bixin.

Halkaan hoose ka akhriso Warqada ka soo baxday xafiiska Wasiiro dowlaha Maaliyadda