Khudbadihii Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya ee War-murtiyeedka ka dib.

Ka dib markii Lasoo gabogabeeyay, islamarkaasina afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys uu akhriyey Todobo(7) Qodob oo ay ku heshiiyeen Dowladda federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Wajigii labaad ee shirka wadatashiga Madasha Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweyneyaasha Dhinacyada Soomaaliya waxaa ay jeediyeen Khudbado ku aadan Dareenkooda Qodobada lagu heshiiyey iyo War-murtiyeedka.

Ugu horrayn Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa khudbad gaaban jeediyey waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay waxyaabaha lagu heshiiyey, isagoo rajo fiican ka muujiyey in waxyaabaha lagu heshiiyey ay noqdaan kuwo miro dhala.

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isna khudbadiisa ku sheegay inay wanaagsan tahay haddiiba Soomaalidu isku timid oo ay danahooda ka tashadeen, islamarkaasina shirkaan midka xiga sidaas oo kale ay danahooda uga tashadaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in haddii Soomaalidu tashato ay meesha ka bixi doonto in Beesha Caalamku mar walba dhex dhexaadiso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta lasoo gabogabeeyay wada  hadalkaasi, isagoo Madaxdii shirka kasoo qaybgashay u mahadceliyey.

“Soomaaliya Maanta ma u baahan tahay inay tashato? Jawaabtu Haa cidda maanta talada laga sugayo yaa weeye? waa Inta maanta Joogta” ayuu yiri Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas.

HALKAAN KA DHAGEEEYSO

Ugu dambayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ayaa sheegay inuu waafaqsan yahay Qodobada War-murtiyeedka ku qoran ee lagu heshiiyey,waxaana uu sheegay in Shirku ahaa mid Heer sare ah oo Arrimaha Soomaaliya oo dhan looga wada tashanayey.