Koonfur Galbeed oo guulo ka sheegatay Dagaal ka dhacay G/Baay

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku leeyihiin Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay halkaasi oo ka dhacay Dagaal aad u culus.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay gaarsiiyeen.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Degmada Diinsoor Shiine Mayow ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Diinsoor ay al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay ka dileen 7 xubnood sidoo kale ay ka furteen hub farabadan, kadib markii ay weerar ku qaadeen Xubnihii ka tirsan Al-Shabaab ee Ciidamada soo weeraray.

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer weerar ku qaaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Koonfur Galbeed & Al-shabaab, iyaga oo dagaalada guulo ka kala sheegta labada dhinac.