Koonfur Galbeed oo Wafdi u dirtay Degmada Walanweyn

Wafdi heer Wasiiro ah uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar ayaa Maanta Gaarey Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Wafdiga oo kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda, iyada oo safar dhinaca dhulka ah ay ku tageen degmada Walanweyn.

U jeedka Wafdiga ka socda Maamulka Koonfur Galbeed ay u tageen degmada Walanweyn ayaa waxaa lagu sheegay xalinta Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday iyo khilaafka u dhaxeeya ee sababay gacan ka hadalka Guddoomiyaha Maamulka degmada Walanweyn iyo kuxigeenkiisa dhinaca Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar oo la hadlay Warbaahinta ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dadka ku waxyeeloobay dagaalkii dhawaan ka dhacay Xaafado ka tirsan degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Wasiirka ay u mahad celiyay qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada iyo Ganacsatada, kuwaas oo ku guuleystay inay joojiyaan dagaalkii dhawaan Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo kuxigeenkiisa ku dhex-maray Gudaha degmadaasi Walanweyn.

Ugu dambeyn Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar waxaa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu xal deg deg ah ka gaari doono Shaqaaqadii ka dhacday degmada Walanweyn, waxaana uu Bulshada ka dalbaday inay nabadgelyada ka Shaqeeyaan.

22-kii Bishaan ayay aheyd markii dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu Xaafada Muuri ee degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamo kala taabcsan Guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo kuxigeenkiisa Arrimaha Bulshada.