Koonfur Galbeed & WFP oo ka shiray waxka qabashada Abaaraha

Agaasimaha Guud ee  Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan oo ay Wehliyaan Wasiirka Gargaarka Naasir Caruush, ku xigeenkiisa Cabduqaadir Shekh Cali iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin ayaa kulan looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa Dadka ay Abaaruhu saameeyeen la qaatay Wafdi ka socday Hay’adda WFP.

Kulanka Wafdiga iyo Madaxda oo ka qabsoomay Xafiiska Agaasimaha Madaxtooyada ayaa inta uu socday waxaa Warbixin ku qotonta dadaalka Hay’adda laga dhagaystay Wafdiga waxaana ay tilmaameen inay wadaan dadaalo ay Gargaar ku gaarsiinayaa Dadka Danta yar ee Abaaraha Saameeyeen.

Agaasimaha Madaxtooyada, Wasiirka Gargaarka iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa Wafdiga ka socday Hay’adda WFP uga Mahadceliyey dadaalka ay ku bixinayaan u gurmashada Dadka ay Abaaruhu saameeyeen, waxaana ay tilmaameen kan Dowlad ahaan ay U u fududeyn doonaan wax walibo oo ay  u baahan yihiin.