Koonfur Galbeeda Senatarada Federaalka ku matala oo Faragelin ka digay

Senatarada Federaalka ku matala maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka digay in doorashadda Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed in lagu sameeyo Faragalin xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxaayeen in ay jiraan xubno ay wadato dowladda Soomaaliya oo Musharaxiin ah.

Waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in Ammaanka Magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyo, waxaana Musharaxiinta uga digeen in ay Khalkhalgaliyaan Ammaanka Koonfur Galbeed.

Senataradda ayaa ugu dambeyntii ku baaqay la dedejiyo Magacaabista Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.