Kooxo hubeysan oo dilay Gudoomiyihii hore ee Buulo burde

Dabley hubaysan ayaa xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Baledweyne waxa ay ku dileen Gudoomiyihii hore ee Degmada Buulo burde Gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka.

Cabdi Iidow Warsame, ayaa wuxuu ka mid ahaa waayahan dambe culimadda loo yaqaan tabliiqa ee Diinta faafisa, waxaana uu ka soo baxay masaajid xilliga dilkiisa uu dhacaayay.

Cabdi Iidow ayaa sanadkii 2007 wuxuu soo noqday Gudoomiyaha Degmada Buulo burde, balse sanadihii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Daaci Diinta faafiya.

Raggii hubaysnaa ee dilkaasi ka dambeeyay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka gaysteen, waxaana xilli dambe halkaasi gaaray ciidamada ammaanka dowladda oo baaris sameeyay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay baarayaan sababta loo dilay ninkaan ka mid ahaa culimadda Tabliiqa Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Allaha u naxariisto Marxuumka ayaa waxaa lagu wadaa saaka in lagu aaso Magaalada Baledweyne