Kulamada Looga Hadlayo Qoondada Haweenka Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho(SAWIRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo Haweenka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Laftagareen iyo Haweenka uu la kulmay ayaa ka wada hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya, waxaana uu u balan qaaday inuu ka shaqeyn doono qoonddada haweenka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Ururada Haweenka u sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ay xaqa ay leeyahiin uga heli lahayeen heerarka kala duwan doorashada.

kulamadan ayaa ka mid ah barnaamijka u ololeynta qoondada haweenka 30% ee doorashooyinka dalka, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ururada bulshada Rayidka.