Kulamo Siyaasadeed oo ka kala socda Kismaayo iyo Garbahaarey

Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbaaharey ayaa waxaa ka socdo kulamo Siyaasadeed oo looga hadlaayo Xaaladda maamulka Jubbaland.

Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa ka socdo kulamo looga soo horjeedo Madaxweynaha maamulka Jubbaland , Waxaana kulamadaasi hoggaaminaya Siyaasiyiin iyo waxgaradka Magaalada.

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xal buuxa loo helo Banaanbaxyadda ay waddaan Shacabka kunool Magaalada Garbahaarey

Dhanka kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socdo kulamo ay leeyihiin Madaxda maamulka Jubbaland iyo Waxgarad ka socda degaanada maamulka Jubbaland, kuwaasoo lagu taageerayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale kulamadaasi si weyn diirada loogu saaray sidii loo dejin lahaa xiisadda Garbahaarey.

Dhawaan ayay aheyd Markii Wasiiro ka tirsan Jubbaland oo gaaray Garbahaarey ay la kulmeen banaanbaxyo ,islamarkaana mid ka mid ah Wasiiradda  la dhaawacay.