Kulan Abaaraha looga hadlayay oo ka dhacay Baydhabo

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi oo ay wehloyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa waxa uu kulan la qaatay Hay’adaha ka howlgala Koonfur Galbeed.

Labada dhinac ayaa waxa ay kulnkooda uga hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu ku sameeyeen Degaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ahaa mid albaabada uu u xirnaa ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi.

Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Abaaraha ka jira waxa ay sababtay in dadka shacabka ah ay iskooda u istaagaan, si wax loogu qabto dadka kale ee ay Abaaraha saameeyeen.