kulan goordhoweyd ka dhacay Madaxtooyada Somalia

Waxaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Agaasimaha KMG ee NISA ee uu Magacaabay Rooble Bashiir Goobe & Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Kulanka oo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxa uu yahay markii ugu horreeysay oo ay isa soo hor-fariistaan Farmaajo & Wasiirka Amniga, waxaana dib kaga soo biiray Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo diirada lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa arrinta Hay’adda NISA & Wasiirka Amniga.

Wararka hordhaca ah Radio Baidoa heleyso ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Rooble ee Wasiirka Amniga, balse uu ku adkeystay in Agaasimaha KMG ee NISA uu isaga Magacaabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wada dadaaladii ugu dambeeyay ee xalka gaarista Madaxda Sare ee dowladda ayaa waqti gelinaya sidii loo dhameyn lahaa.

Caawa ayaa waxaa lagu wadaa in ay yeeshaan kulan fool ka fool ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble si meesha looga saaro khilaafkooda saameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.