Kulan isugu jirey sagootin iyo casho sharaf habeenimadii xalay loo qabtey xulka kubada Cagta konfur Galbed Somaliya

Kulan isugu  jirey sagootin iyo casho sharaf habeenimadii xalay loo qabtey xulka kubada Cagta konfur Galbed Somaliya ayaa xalay lagu qabtey xarunta madaxtoyada konfur Galbed Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Konfur Galbed waziiro Maamulka Gobolka Gaaay kan degmada baydhabo ayaa ka qeyb galey sagootinta ciyaartoyda ka qeyb galeysa koobka maaamul goboleedyada ooo 15ka bishan ka furmaya caaasimada soomaaliya eee muqdisho

 

Gudoomiyaha maamulka isbortiga konfur galbed somaliya C/qadir Shariif Xirow oo ugu horeyntii halkaasi ka Hadley waxa uuu u mahad celiyey madaxda konfur galbed iyo sida wanagsansan ee ay dhiiro gelinta ay ugu sameynayan dhalinyarada ku meteli doonto konfur galbed koobkaasi

 

Wasiirka Warfaafinta Koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Gudoomiyaha Barlamanka C/qadir SHariif Shekhuna Maye Oo dhankooda halkaasi ka Hadley waxa ay ku dhiiro Geliyeen sportska konfur galbed in ay muqdisho kala soo laabtaan Guulo wax ku ool ah

 

Gebagebadii waxaa halkaas ka Hadley kusimaha madaxweynaha konfur Galbed Xasan Xusen Maxamed Eelaay Oo Dhalinyarda si Niyadsami ah ku sagootiyey una rajeeyey wanag isagoo sheegey in sportska uu u taagan yahay isdhexgal bulsho

 

Taageerayaal ka kala yimid gobolada dalka ayaa ku qulqulaya caasimada dalka ee muqdisho si ay goob joog ugu noqdoon ciyaaraha maamul goboleedyada dalka oo 15ka bishan ka furmaya muqdishomahdiiyagabbbmaxamed xaajilfc