Kulan lagu ansixin lahaa Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo kooram la’aan u baaqday

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle kulankii maanta lagu waday in ay ku yeeshaan magaalada Jowhar ayaa kooram la’aan u baaqday, kaasi oo la qorsheynayay in lagu ansixiyo Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Waare.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in ka sokow kooram la’aanta uu u baaqday kulanka waxaa wehliyay muran iyo dood ka taagnaa xuquuqda Xildhibaanada oo aan muddo 7 bil wax mushaar ah qaadan, Xildhibaanada ayaa loo balan qaaday in la siinayo mushaarka labo bilood, inkastoo qaarkood ay diideen, ayna dalbadeen in dhamaan inta bil ee ka maqan la siiyo.
Intaas kaddib ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka codsaday in la furo Kulanka, si loo ansixiyo Golaha Wasiirada, hase ahaatee waxaa buuxsami waayay kooramkii loogu tala galay inuu kulanka ku furmo.
Madaxtooyada Hirshabeelle waxaa ka socda dadaalo lagu qancinayo Xildhibaanada oo ku aadan ansixinta Golaha Wasiirada, iyadoo Xildhibaanada qaar ay dalbanayaan ka hor inta aanay ansixin la siiyo xuquuqda ka maqan oo ah 7 bilood.