Kulan lagu Taageerayey Go,aan ka soo baxay Duqa Degmada Baydhabo oo Baydhabo ka dhacay[SAWIRO]

Magaalada Baydhabo Maanta waxaa ka dhacay Kulan Wayn oo Lagu Taageerayay Go’aanadii Dhawaan Ka Soo Baxay Maamulka Degmada Baydhabo ee ahaa Shaqaaleysiinta Dadka Deegaanka oo ay isugu imaadeen Dhalinyarada Noocyadeeda kala duwan.

Kulankan ayaa Waxaa Soo Qabanqaabiyay Dhalinyarada Degmada Baydhaho Iyo Kan Gobalka Baay Waxaana Ka Soo Qayb-Galay Ururdaa Jaamacadaha Magaalada Baydhabo Haweenka iyo Waxgaradka Waxayna Dhammaantood ay Ku Midaysnaayeen In Mudnaanta Koowaad iyo Kaalintoodaba la Siiyo Dhalinyarada Deegaanka ee wax Bartay.

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaalada Baydhabo Mudane Xasan Macalin Ahmed Biikole Oo Kulanka Ka Qaybgalay Ayaa Sheegay Hay’adaha in aysan Xaq Ulahayn “Shaqaalaha Gudaha “inay ka soo Qataan Magaaloyinka Kale.

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ayaa Sidoo Kale Awaamir Ka Soo Saarey Laga Bilaabo Sanadka Cusub in aan Laga Ogaalan Doonin Hay’adaha Inay Ka Shaqeyaan Degmada Baydhabo CID Aanan Ka Haysan Ogalaansho Mamulka Degmada Baydhabo.

Mudooyinkan Dambe Dhalinyarada Ku Dhaqan Deegaanadan Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Cabasho Wayn Ka muujinayay Hay,ada Ka Shaqeeya Deegaanadan Koonfur Galbeed Ayagoo Ku Eedeyay In Dadka Deegaanka gaar ahaan Dhalinyarada waxbaratey Aan Doorkooda siinin oo ay Shaqaalaha ay kala yimaadaan Deegaano kale.