Kulan looga hadlaayay Furitaanka Golaha Shacabka oo ka dhacay Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulanka ayaa loogu hadlay furitaanka kalfadhiga 4-aad iyo sida loo kala hormarinayo shaqooyinka horyaalla golaha shacabka.

Kulanka inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay shuruucda hada hortaalla guddiyada golaha shacabka, kuwa aqrinta koowaad iyo labaad maray iyo kuwa hada diyaarinta ay ku socdaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka ka sheegay muhiimada ay leedahay dardar gelinta howlaha muhiimka ee golaha shacabka laga doonayo inuu qabto kalfadhiga 4-aad.

“ Mudanayaal waxa na sugaya shaqooyin muhiim ah oo u baahan in si wadajir ah oo dhaqso ah aan u qabano, kalfadhiga 4-aad shaqooyin muhiim ah oo adag ayaa nagala doonaya inaan qabano oo aan waajibkeena ka gudano”. ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka.

Guddoomiye Mahad ayaa si cad u sheegay in guddoonka golaha shacabka uu diyaar u yahay inuu diyaariyo khubaradii la shaqeyn lahaa guddiyada si sharciyada qaar loo dhameystiro.

Ugu dambeyn guddiga joogtada ayaa ku balamay in maalmaha soo socdo la magacaabo guddiga qaban qaabada xafladda furitaanka kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka oo lagu wado in ay dhacdo 10-ka bisha September 2018.