Kulan looga hadlayay sida wax looga qaban lahaa Diiratada oo Mugdisho lagu qabtay

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Kulan aay iskugu yimaadeen xubno ka socdo wazaaradaha beeraha maamul goboleedyada , Dowladda faderalka iyo hay’adda Cuntada iyo beeraha ee loo soo gaabiyo Fao ayaa waxaa looga hadlayay sida wax looga qaban lahaa cayayaanka loo yaqaano diirdiiratada.

Kulanka waxaa furay Wasiir ku xigeynka wazaarada beeraha soomaliya Xamuud Cali Xassan “ Waxaa hada la iskugu kiin yeeray si inaan ka tashano sida aan kaga hortagi laheyn baahalkaan Diirdiiratada ah ee qatar teeda leh ee mar kaliya cuneysa beerta” ayuu yiri Wasiir Xaamud.

Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday maamul goboleedyada waxaana afka maamul goboleedyada ku hadlay Wasiirka beeraha Hirshabeelle Xassan Axmed Muudeey ayaa uga mahad celiyay dowladda federalka iyo FAO lana dardaarmay maamul goboleedyada iney ka faa ideystaan

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa wajigiisa labaad waxaa lagu qaban doonaa qaar ka mid ah deegaanada maamul goboleedyada dalka

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA