Kulan looga hadlayey Amniga oo lagu qabtey Jowhar

Guddiga Arrimaha Guddaha Maamulada Gobolada Degmooyinka Amniga iyo Soohdimaha ee Golaha Wakiilada Hirshabelle ayaa kulankooda 2aad kalfadhiga 7aad kuyeeshay Xarunta Baarlamanka Hirshabelle.

Kulanka Guddiga Waxaa kasoo Qeyb Galay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Dhexe,Duqa magalada Jowhar Taliyaha Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Hirshabelle Taliyaha Saldhiga Degmada Jowhar iyo Xeer Ilaaliyaha.

Kulanka waxaa shir-gudoominayay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xildhibaan Mohamuud Siyaad Barqadle

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii Hay’adah Amniga loogula xisaabtami lahaa dhinaca Amniga si ay u dardar geliyaan.