Kulan Muqdisho uga socda Midowga Musharaxiinta

Afhayeenka midowga musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa gaaray Hotel Jaziira oo goordhow uu ka bilowday shir ay ka qeyb galayaan guddoonka iyo xubnaha midowga musharaxiinta.

Shirka ayaa intiisa badan looga hadlaya heshiiska shalay ay Muqdisho ku gaareen Ra’isal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Kulankaan ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonnaa sidii loo xalin lahaa haddii ay yimaadaan tabashooyin inta ay socdaan dadaallo ku saabsan arimaha doorashooyinka.

Maalintii shalay aheyd ayaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis dalka u jiheeyay doorasho oo midowga Musharaxiinta ay ka qaateen kaalin wanaagsan.