kursi kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu qabtay Baydhabo

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan dooraahadiisu tahay Maamulka Koonfur Galbeed.

Kursigaan oo Sumadiisu tahay Hop193 ayaa waxaa horay uga geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamuud Maxamed Bono, waxaana Maanta ku tartamay Cabdulaahi Aadan Axmed (Black) & Cabduqaadir Maxamed Cali Baashi, balse waxaa kursiga kusoo baxay Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Cali (Baashi) oo helay 66 cod halka musharrixii la tartamayey ee Cabduqaadir Maxamed Cali Baashi uu helay 31 cod, waxaana halaabay 3-cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday Maamulka ugu badan ee doortay kuraasta Golaha Shacabka, waxaana uu doortay 11 kursi halka Maamulada, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Puntland aysan weli doorashada bilaabin.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo bilaabay doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka yimid cabasho badan, kadib markii musharrixiinta qaarkood laga hor istaagay inay tartamaaan, waxaana dadka laga reebay kamid ah Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Idiris Cabdi Dhaqtar.