Kusimaha Madaxweynaha KGS Oo Ka qeyb galey Munaasabad Lagu Xuseyay Sanadguuradii 4aad ee Jaamacada BIU

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada KG Mudane Abdikadir Sharif Sheekhuna Maye . Ayaa Maanta Ka qeyb galey Munaasabad Lagu Xuseyay Sanadguuradii 4aad ee Jaamacada BIU oo Lagu qabtey Magaalada Baydhabo.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Ayaa Hambalyo Iyo Bogaadin udirey Madaxda Jaamacada Iyo Ardeyda kuna Booriyay in sara loo qado Waxbarashada Ardeyda KG , Wuxuuna Ilaahay Uga Bariyey in sanadkan Sanadka Xiga Ilahay Nagu gaarsiiyo Bash Bash iyo Baraare.

Waxana Munaasabada ka soo qeyb galey Xildhibaano kawada Tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya , Wasiiro , Xildhibaano , ka Tirsan Dowlad Goboleedka KGS , Macalimiin iyo Marti sharaf kale.