Kusimaha Madaxweynaha oo qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa qaabilay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Raisedon Zenenga.

Raisedon Zenenga ayaa sidoo kale ah Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaana kulankaasi ku wehlinaayay mas’uuliyiin kale oo isla xafiiskaas ka tirsan.

Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020/2021 iyo sidii loo de dejin lahaa dhamaan shuruucda muhiimka u ah howlaha doorashooyinka oo uu hada golaa gacanta ku haayo.