Laba Dhalinyaro ah oo caawa lagu dilay Muqdisho

0 290

Dabley hubeysan ayaa caawa xaafada Koodka ee degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen laba dhalinyaro oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dhalinyarada xaafadaasi.
Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, kahor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux.
Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano kawada xaafada uu dilka ka dhacay, waxaana ilaa hadda la soo qabtay dhowr dhalinyaro ah, oo laga shakisan yahay, kuwaasi oo Ciidamada ay gacanta ku hayaan.
Warar madax banaan ayaa sheegaya labadan dhalinyaro ee la dilay in mid ka mid ah uu ahaa Macalin Dugsi halka midka kalena uu dhowaan ka yimid dalka dibadiisa.
Maamulka degmada Xamar-weyne oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in warkan uu jiro balse ay wadaan baaritaanada falkan, dibna ay warbaahinta uga soo sheegi doonaan.
Todobaadkan gudihiisa Muqidsho waxaa ka dhacay Saddex dil oo qorsheysan, dhammaan dilalkaas waxaa masuuliyadooda sheegtay ururka Al-shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.