Laba qarax oo goor-dhow ruxay Baydhaba

Laba qarax oo waa weyn oo isku mar dhacay ayaa abaare 5:30 galabnimo waxaa ay ka dhaceen magaalada tan Baydhaba ee xarunta gobolka Baay,

Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa qaraxa ayaa ka dhacay bartmaha magaalada, goob ay aad u buuxeen dad shacab ah.

Baabuurta gurmadka deg degga ah ayaa ku cararaya goobta qaraxa uu ka dhacay waxaana warar horudhac ay sheegayaan in qaraxa ay u badan tahay in dadka shacabka lala beegsadey.

Waxaana la sheegayaa dhimasho iyo dhaawac farabadan in uu jiro

Ma jiraan faah-faahinno intan dhaafsan. Wixii kusoo kordha waan idinla socodsiin doonnaa Insha Allah.