Labadda Aqal ee Baarlamanka Somaliya oo kulan Wadajir ah yeelanaya

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lafilayaa in ay yeeshaan Kulan ay si gaar ah diiradda ugu saari doonaan Miisaaniyadda Dowladda.

Kulanka ayaa Noqonaya kii ugu horeeyay ee Labada Gole ay Si Wada jir ah u yeeshaan.

Waxaa si wadajir ah u guddoomin doonaa Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Miisaaniyadda Dowladda ayaa sanadyadii ugu dambeeyay dhalisay hadal heyn badan maadaama aan la sameyn xisaab xir.