Labo caruur ah oo ku geeriyoodey fatahaada wabiga shabeele

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in labo Caruur ah ay ku geeriyoodeen ka dib markii ay uu qaaday Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado ka mid ah Magaalada Beledweyne.

Labadda Carruurta ah ayaa la sheegay in wabiga ay raacdeen markii hore, islamarkaana ay horay u qaadeen daadadka Wabiga.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa gurmad ka Wadda Magaalada Beledweyne oo Xaafado badan oo ka mid ah ay go’doon yihiin.fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa ka barakaceen in ka badan 50 Kun oo Ruux,sidoo kalena laga cabsi qabo in dad kale ay barakacaan.