lacagaha diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha Shacabka & Madaxweynaha oo wax lagu daray

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada muqdisho waxaa maanta uu kulan uga furmay Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo ka dooday ajandayaal dhowr ah, kuwaas oo qaarkood ay ansixiyeen.

 

Xildhibaannada ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodob kamid ah xeer hoosaadka Doorashooyinka guddoonada labada aqal ee baarlamaanka iyo Madaxwaynaha dalka .

 

Lacagta Is diwaangalinta musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha iyo Guddoonka baarlamaanka ayaa la dhigay.

 

Musharax Guddoomiyaha Bkaaarlamaan waxaa laga dhigay 20kun oo dollar, horeyna waxay u ahayd 15kun oo dollar.

 

Mjusharaxa u tartamaya jagada d kuxigeenada waa 15kun oo dollar, waxaana horey u ahayd 10kun oo dollar.

 

Musharax Madaxweynaha, waxaa laga dhigay 40kun oo dollar, markii horena waxay ahayd 30kun oo dollar, waxaana lagu shubayaa xisaabta Bangiga dhexe ee Soomaaliya.