Laftagareen iyo Qoor-qoor oo la shiray xildhibaannada dooran ee KG Ee Fedaraalka

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaa maanta magaalada Baydhaba waxa ay kula kulmeen xildhibaannada dooran ee Koonfur Galbeed ku matali doona labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Axmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa kulankoodaas waxa uu qeyb ka ahaa kulamada loogaga arrinsanayay arrimaha doorashada ee maalmahanba halkaas ka socday.

Waxaa la sheegay in kulankan ugu dambeeyay la iskula soo qaaday caqabadaha ku hor-gudban hannaan u socoshada arrimihii doorashada.

 

Madaxweyne Qoor-qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmahanba u joogay magaalada Baydhaba sidii maamulka Koonfur Galbeed ay ugu dhagaysan lahaayeen tabashada uu qabo, doorashada loo dhammaystiri lahaa.