Laftagareen, Maxamed Mursal, Jawaari, Shariif Xasan iyo Sheekh Aadan Madoobe oo Xamar ku shiray(SAWIRO)

Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) gudoomiyaha BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh, gudoomiyayaashii hore ee BFS Shariif Xasan Sheekh Aaadan iyo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta ka qaybgalay qado sharaf uu u sameeyay siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed, gudoomiyihii hore ee BFS mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Qado sharafta iyo isxogwareysiga oo ka dhacay hoyga gudoomiye Jawaari ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay wasiiro iyo xildhibaano heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo dhamaantoodba kasoo wada jeeda KGS.

Siyaasiyiintaan ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, arimaha doorashooyinka iyo gaar ahaan xaaladaha Koonfur Galbeed iyo kaalinta ay ku leedahay doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo.