Laftagareen Oo Shir-gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada KGS(SAWIRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka Gollaha Wasiirada DGKGS oo Todobaadkan Warbixino looga dhagaystay Wasiiradda Wasaaradaha Amniga,Qorshaynta,Caafimaadka,Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha.

Wasiiradda Wasaaradaha Amniga,Qorshaynta,Caafimaadka,Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha ayaa waxaa ay ka warbixiyeen howlaha iyo waxyaabihii u qabsoomey ee ay ka qabteen deegaanada Koonfur Galbeed oo uu ka dhageystey madaxweynaha koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen,

Dhanka kale Mdaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu Gollaha Wasiiradiisa uu uga warbixiyey warbixin ku saabsan xaaladda Dalka uu maraayo iyo Safarkii aan ugu maqnaa Magaaladda Muqdisho ee ku saabsanaa Arimaha Doorashooyinka Dalka.