Laftagreen Oo ka hadlay Ra,iisal wasaaraha Cusub Ee lamagacaabay

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo dhoweeyey una Hambaliyey Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble Waxaana uu Ilaah uga rajeeyey Xilka Culus ee loo igmaday in Ilaah ufududeeyo.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan ugu ducaynayaa in xilka weyn ee culus ee loo magacaabay uu ilaahay ku asturo. Waxaana u rajaynayaa inuu u guto xilkaas si xilkasnimo leh”. Ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.