Laftagareen Oo Waajid Kula Kulmay Mas’uuliyiin Hay, adaha Ka Howlgala Degmada Waajid:

Madxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulan la Qaatay Hay.addaha ka Shaqeeya Degmada Waajid waxaana ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo dadka ku nool degmadas

Kulanka dhex maray Madxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Hay.addaha ka Shaqeeya Degmada Waajid waxaa goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah golaha wasiirrada Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo degmada waajid , dhismaha nabadda, iyo fulinta mashaariic horumarineed.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shegay in dadka degmada ku nool ay hiyiin dad dhiban hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto .

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay’adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan degmada waajid lagana xureeyo alshabab , si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara ficillada iyo dhaqamada gurracan ee kooxda alshabab.

Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in maalmihii uu joogay magaalada waajid uu wax badan ka ogaaday

Madaxweyne laftigareen oo muda labo maalin ah ku sugnaa degmada waajid ee gobalka bakool ayaa la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu ka dhageystay baahiyadooda, waxa uuna dhagax dhigay mashaariic horumarineed .