Aqriso Magacyada Xildhibanada maanta ku soo baxay Aqalka hoose

Waxaa maanta magaalooyinka Jowhar, Baydhabo, Kismayo iyo Garawe ka socotada doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee kamid noqonaya Baarlamaana Federaalka Soomaaliya .

Xildhibaano dhoor ah oo kamid noqonaya Aqalka hoose ayaa maanta la doortay, waxaana wali magaalooyinka qaar ka socotada doorashada xubnaha Aqalka hoose, iyadoona dhawaan la filayo in lasoo gabo gabeeyo doorashada xubnaha aqalka hoose.

Xubnaha maanta la doortay kana mid noqday Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku jira xildhibaano hore uga mid ahaa Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday iyo Xubno kale oo iyana ku cusub siyaasada.

Halkan ka Aqriso Xildhibaanada goordhaw Garawe lagu dooray

1-Cabdi Maxamuud Maxamed
2-Daa’uud Maxamed Cumar
3-Faysal Cabdulle Guuleed

Xildhibaanada Baydhabo lagu doortay

1-Cali Yuusuf Cusmaan
2-Cusmaan Xaaji Cali

Xildhibaanada Jowhar lagu doortay

1-Cumar Cusmaan Waasuge

2-Cabdifitaax Qaasim Maxamed

3-Farxiya Muumin Cali

Xildhibaanka lagu doortay Kismaayo

1-Cabulaahi Maxamed Shaacir

Waxaa wali ka socota magaalooyinka qaar doorashada xubnaha aqalka hoose , waxaana wali aad u yar tirada haweenka ay ku leeyihiin xubnaha Aqalka hoose ilaa hada waxa la doortay, waxaana la sadaalinayaa in qoondada haweenka ee 30%100 ka in aan la heli dooni.