Maalinta AIDS ka oo laga Xusey Baydhabo”SAWIRO

Munaasabada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka AIDS ka oo ku asteysan 1st December ayaa Lagu qabtey Magaalada Baydhowa Waxaana qabatey wasaaradda caafimaad Dowlad Goboleedka KGS.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda,Maamulka Degmada Baydhowa, shaqaalaha wasaaradda iyobahda Caafimaadka Gobolka, Dhamaan dadkii kahadley munaasabada ayaa waxay kahadleen sida cudurkan uu kufafao iyo taariikh ahaan halka iyo sida uu kusoo bilowdey,

Waxaana munaasabada lagu direy fariin wacyigalineed ee kusaabsan iska ilaalinta cudurkan, iyo wacyigalinta iyo xanaaneyn dadka la ildaran,
Magaalada Baydhowa ayaana si aad ah ugu yer kiisaska Cudurka AIDS ka sida ay sheegeen bahda Caafimaadka Gobolka,