Maamulka degmada baydhabo Oo Kulan La qaatey Dhamaan Heyadaha ka shaqeya Degmada

Kulankan maamulka Degmada Baydhabo isugu yeereen hey’adaha ka shaqeeya Degmada Baydhabo ayaa waxaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen Maamulka Cusub ee Degmada Baydhabo iyo Dhamaan Hey’adaha ka shaqeya guud ahaa Degmada Baydhabo iyo sidii ay isku baran lahaayeen Maamulka degmada Baydhabo iyo masulinta hay’adaha.

Gadomiye ku xigeenka maamulka Iyo Maaliyada Degmada Dr Yusuf bare oo uga horeyntii la hadley Masuulinta Hey’adaha ka shaqeya Degmada Baydhabo Ayaa u Sharaxey Muhiimada maanta Ay isugu yeereen,

Gadomiyaha Maamulka degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Mudane Hasan macalin Axmed Biikole Oo furey shirka ayaa waxaa uu Dhamaan Hey’adaha Kula dardaaramey in ay La shaqeyaan Maamulka Dowladaha hoose ee Degmada baydhabo.